Dyslexia Norway

Help

Hay’ad u taagan dhamaan dadka ay mushkiladi ka haysato akhriska, qoraalka, xisaabta iyo luuqada.

Macluumaadkaayaga

Dyslexia Norway waa hay’ad loogu talo galay qof kasta oo qaba dyslexia, dyscalculia, iyo laxaad la’aanta luuqada ee gaarka ah. Nolosha oo dhan ayuu qorku qabayaa, waana xanuun hide raace ah. Nidaamka waxbarasho ee wanaagsan waxa uu saamayn wanaagsan ku yeelanayaa xirfadaha, laakiin shayadan iyo tobobaradani toona meesha kama saarayaan caqabadan.

Sadexdan caqabadood waxaa badanaa loo yaqaan caqabado waxbarasho oo gaar ah. Taas oo macnaheedu kadhigan yahay in caqabadaha waxbarasho ee dugsiga inaan lagu sheegi karin laxaad la’aanta garaadka ama caqabado la dhaqanka bulshada ah. Waa muhiim in uu dugsigaagu qiimeeyo baahiyahaaga oo wixii daruuru ah ee qaabilaadna inuu kuu sameeyo.

Waa maxay dyslexia?

Dyslexia waa caqabad akhriska iyo qoraalka ah taas oo ah mushkilad salka ku haysa garashada dhawaqa kalmadaha. Waa caqabad jirta oo qofku aanu kusoo celin karin ama aanu dhamaystiri karin wixii uu akhriyay, u qorid kalmada si khaldan, ama kala badal kalmadaha iyo xarfaha ah. Dad badan waxayna xasuusan tilmaamaha, inay bartaan shaxda isku dhufashada, ama barashada saacada. Dyslexia garaadka waxba kama dhaxeeyaan.

Waa maxay dyscalculia?

Dyscalculia waa caqabad taas oo uu qofku dhib kala muto xisaabta. Waxay ku taxaluuqdaa qofka oo ay mushkilad ka haysato dhamaystirka tirade, xirfad tirin oo liidata, iyo in la fahmo siday wax u kala horeeyaan oo adkaata. Dyscalculia garaadka waxba kama dhaxeeyaan.

Waa maxay laxaad la’aanta luuqada ee gaarku (SLI)?

SLI waxay ku taxaluuqdaa inay qofka mushkilad ka qabsato inuu wax sharaxo, in la fahmo, ama inuu ku hadlo hadal la fahmo karo. Waxay ku taxaluuqdaa mushkilad dhawaqa hadalka, inuu qofku helo kalmado uu ku sheego waxa uu doonayo, ama inuu isku xidhiidhiyo weedho dheer. SLI garaadka waxba kama dhaxeeyaan.

Waxaad Leedahay Xuquuq!

Waxaa dhici karta inaad xaq u yeelatid in lagu siiyo laabtoob aad leedahay oo aalado taageero ahina la socdaan, mudo dheeraad ah in lagu siiyo si aad imtixaanka uga shaqaysid, imtixaanka wax lagaaga badalo, inaad hesho buugaag cod ah, waxbarasho gaar ah, ama in heerka dhibcaha ee dugsiga sare ee jira aan adiga lagugu qiimayn.

Teknooloojiyada kaalmada

Teknooloojiyada kaalmadu wax wayn ayay qofka u taraan. Ma kawar qabtaa in uu jiro barnaamij higaad ah oo loogu talo galay dadka qaba dyslexia? Sootfiweero qoraalka cod u badali kara iyo kuwa codka qoraal u badali kara? Qalimaan duubaya hadalka, si aanad waxba u qoran markaad kulamada dhaadheer ku jirto? Ama maws kombuyuutar oo sawira qoraalka? Ama in qof kasta oo haysta taleefanka ismaarti foonku inay jeebada ugu jirto teknoolojiyad kaalma ahi? Booqo websaytkaayaga dysleksinorge.no/datahjelpemidler

Dhalinyarada Dyslexia

Xubnaha da’doodu u dhaxayso 13 ilaa 30 waxay si toos ah ugu biiraan Dhalinyarada Dyslexia. Waxay leeyihiin shir-gudoon u gaar ah halkaas oo ay ku doortaan gudida iyo wakiilada dhalinyarada. Waxay munaasabado xagaaga ku qabsadaan meelo kala duwan oo dalka ah. Booqo websaytkaayaga dysleksinorge.no/dysleksi-ungdom

Xubin Ka Noqo!

Hadii aad aaminsan tahay in shaqadaayadu muhiim tahay, waa inaad xubin ka noqotid. Markasta oo xubnahaayagu kordhaan, waxaa adkaanaya dadaalkaayaga aanu ku noqonayno bulsho loo dhan yahay oo dadka qaba caqabadaha waxbarashada ee gaar ah!

Xubnuhu waxay heleyaan:  

  • Tilmaamo iyo talooyin bilaash ah oo iimeelka iyo taleefanka kusoo gaadha.
  • Fursad ay kula sheekeystaan dadka kale ee iyaga oo kale ah.
  • Fursado ay kaga qayb galayaan hawlaha iyo duruusta deegaanka.
  • Majalada Xubintaayada – taas oo soo baxda afar jeer sanadkii, sidoo kale dhijital ahaana lagu heli karo.
  • Qiimo dhimisyo kala duwan.